(Psychological question or tribal obsession for the Somali citizen)
Most sociologists agree that it takes a long time excessive educational campaign to produce a society fit to elect a president that is good for the nation or few firing shots or imprisonment of civilian people to get the public accept a good dictator who would really build the nation with power.
Neither case is today possible in Somalia for a quick solution to the question of who can rule Somalia in this status of chaos and tribal lunacy.
At the back of every Somali citizen’s head, there is the mentality that the only savior president in the tribal confrontation in Somalia is the tribal relative politician, how ever unqualified he might be.
For the Somali citizen, a bad president from his tribe is better than a good patriotic & deserving one from a rival tribe and we don’t blame them for the situation is not governing an advanced society that see things through better angles but a society whose majority have a vision that does not go beyond fighting over oil wells , grazing lands and tribal superiority .
The qualities that make every Somali leader a deserving candidate for the presidency in view of his community is the oratory experience to at least learn by heart few Somali proverbs and mention them in the political campaigns , his deep knowledge about all tribes in Somalia and their cultural history and how confident he shows to defend his community.
All these merits does not conform to the requirements of a president that can take Somalia out of the economic , social and political chaos it was entrapped.
I propose that the candidates for the Somali presidency should be checked for their capability to handle certain crucial responsibilities .
I suggest that in a big hall in Mbagathi ,Kenya there should be podiums for each Somali candidate for the presidency while all the Somali supporters , IGAD team , Foreign ambassadors in Kenya , the UN representatives , international community and organizations are all present to watch on how the candidates prove their capability that they are the right doctors for the severely sick Somali patients. Each candidate should be given sufficient time to explain the following points in details :
1 what plans do you have to disarm the Somali militias in the streets ?
2 what economic plans to do you think is fit for Somalia for the next 10 years?
3 how best do you think we can avoid a repetition of similar political turmoil in the country after only a decade?
4 what relationship do you suggest Somalia should have with its neighbors in order to stop the arms flow to the country?
5 what plans do you have to create love and harmony among the different tribes in the society that fought terrible and need to forget the past scars?
6 what economic and political systems do you suggest would create jobs for the Somali youths?
7 what measures do you think would avoid corruption and nepotism in the public sector and government functioning ?
8 What political system would be suitable for the nation?
9 how would you generate revenues for the country that is in its worst financial problems?
10 how could you get the financial and political support of the international community for your government?
I am sure the quality of answers and their convincing power during the debate would tell what type of president we are going to end up with.
Choosing the right president today is a factor that decides the quality of political life we will have for many long years to come. It is best advisable to think from every possible angle. we waited for 14 years in fear and tiring expectation to just reach a stage to sit down and talk and we should not take only 14 hours to name the right man for the most difficult and dangerous post of the president of Somalia . We pray for a courageous, justice oriented & capable statesman as the president of Somalia- Amen.
Awes A.Osman
Miisaanka culeys-siyaasadeedka saaran Soomaaliya
Waxaan jecelahay inaan soo koobo dhowr arrimood oo muhiim u ah xal u helidda ama gacan ka geysashada xalka dagaalada iyo is horfadhiga dheeraaday ee Somalia. Ujeedada maqaalkeygakan waa in dhammaan jihooyinka aan soo magacaabi doono dib u qiimeeyaan mowqifkooda siyaasadeed ee ku wajahan Somalia amaba qaarkood ay ka waantoobaan oo ka soo dabcaan siyaasadda hunguriweynida ku dhisan ee ay ku habaabsan tahay qaarna tanaasulaad u sameeyaan si looga baxo dhibta na wada heysata. Codsigeyga ugu weyn hase yeeshee wuxuu ku wajahan yahay jihooyinka Soomalida ah . Dhinacyadaa waxey kala yihiin : Shacabka shibilka masaakiinta ah ee soomaliyeed oo qabiil walba leh, Dawladda ku meelgaarka ah , Ururka maxkamadaha islaamiga , Waddamada safka hore ee jiiraanka la ah Somalia sida Ethiopia , Eriterea ,Uganda , kenya iyo jibouti , kooxaha iska caabinta hubeysan ee imminka dagaalka ku haya dawladda Ethiopia & KMG, Mareykanka , waddamad carabta , waddamada muslimiinta , Waddamada reer galbeedka ee ku jira EU , shakhsiyaadka siyaasiyiinta soomaliyeed ee leh cod siyaasadeed xooggan. Nasiib darada Soomaliya asiibtay waa in dhinac walbaa uu ku yeeshay Soomalia dan siyaasadeed ka duwan dhinaca kale oo weliba qaarkood danahooda siyaasadeed lid isku noqday. Shacabka shibilka ah ee soomaliyeed waa dhinaca keliya ee dan u ah in Soomaliya xal waara laga gaaro , oo dib u soo noqoto amnigii , xasiloonidii iyo dawladnimadii luntay. Dhinacyada kale oo dhan waxaa ku mudan qodxo siyaasadeed oo meelo kale u jiidanaya . Aan ku horeysiiyo Dawladda ku meel gaarka ah(DKMG) ee uu madaxda ka yahay Col.Cabdullahi yusuf Axmed: DKMG waxaa lagu soo doortay dalka kenya ayadoo ururada Soomaaliyeed oo dhan u wada dhan yihiin markaa waxey noqoneysaa dawladda sharciga ah ee ay Soomaaliya yeelato halgan dheer & is horfadhi siyaasadeed kadib . Waxaa nasiib darrose ah in ay dawladdu u aragtay Ethiopia iney tahay xaliifka keliya ee la socodkiisu leeyahay culeys siyaasadeed ku hogaamin kara DKMG iney guul ka soo hoyiso Somaliya , ka fogaanshahiisuna uu yahay mid caqabado waaweyn hor dhigi kara horusocodsiinta dawladda lagu soo dhisay jahawareer & dhib . Waxaa marag ma doonto ah in meesha ay dawladdu wax ka aragto uu qalad siyaasadeed weyn ku jiro waayo la socodka Ethiopia oo ah dawlad aan marnaba ka deggeyn maanka shakhsi kastoo Soomaali ah ayaa waxey u keeni kartaa khasaare ka badan inta ay faaiido keeni karto. Halka ay dadka la taliya madaxweynaha DKMG ee dhinaca siyaasadda wax ka arkaan waa in Ethiopia ay tahay dal taariikh ahaan gacan siin jiray mucaarad walba oo ka soo horjeedsada dawladdii hore ee Somalia marka ay sahal tahay in dawlad hadda socod barad ah ay ku jeedin karto jabhado ama mucaarad Somaliyeed ay soo abaabushay . Waana dawlad ka go’ an iney wax weyn u qabato cidda ay u aragto in aminigeeda uu dan weyn u yahay . Waxaa kale oo la taliyeyaasha madaxweynahu istuseen in dawlado waaweeyn ee dunida ay ku qanacsan yihiin in xalka Somaliya uu noqdo mid aan lid ku aheyn amniga mustaqbalka ee dawladda iyo shacabka Ethiopia oo colaad taariikheed ka dhexeysay Somalia. Haddaba dawladda KMG waxaa hor yaal in ay labada dhinacba ka ciyaarto oo shacabkuna kasbato ayadoo aan Ethiopiana sii deyneyn waayo wadciga ay dawladdu ku jirtaa ma taagna maanta meel ay ku sii deyn karto , taana waxaa lgu gaari karay in aan Ethiopia kor looga soo kicin heerka ay Kenya ,Uganda iyo waddamada geeska afrika ka joogaan xiriirka dawladda KMG ah oo aan la buunbuunin. haddase cid walbaa u jeedda in Ethiopia iyo Kenya aaney isaga mid aheyn u dhawaanshaha DKMG ah. Isla markaana waa in DKMG aysan shariik kula noqon Ethiopia siyaasadda gudaha iyo amniga dalka waayo ``saaxiibkaaga maanta wuxuu noqon karaa cadawgaaga ugu weyn ee berrito.`` Dawladda Ethiopia: Dadka aad u indha indheeya siyaasadda ayaa waxey isku raacayaan in Meles zenawi uusan marnaba ka indha saaban karin dhacdooyinka siyaasadeed ee dalka jiirankiisa ah ayna wadaagaan arrimo badan oo siyaasad isku xirtay waayo haddii aysan Ethiopia maanta ka qeyb qaadan ,waxa qasab noqon doonta iney berrito bixiso qiime badan oo ah la dagaalanka dawladda cusub haddii ay qatar ku noqoto amniga dalkeeda iyo haddii ay lid ku noqoto danaheeda siyaasadeed. Sidaa darteed waxa Ethiopia dan u ah iyo waxa dawladda KMG dan u ah ayaa muhiim ah in si fiican loo qeexo. Ethiopia waxa danaheeda siyaasadeed uu kujiraa : Ø In Ethiopia ay Somalia ka hesho marin badeed ay u isticmaasho deked ahaan si ay uga baxdo dhibta ka soo gaartay markii dekedda Assab faraheed ka baxday xornimada Eriterea kadib. Ø In Dawladda Somaliyeed cusub noqoto mid aan heysan shacbiyad xooggan oo muwaadiniintu kalsooni buuxda ka qabin oo markaa ku tiirsan awood shisheeye ka caabiya haddii gudaha rabshado uga yimaadaan. Ø Waxey Ethiopia cabsi soo jireen ah ka qabtaa in Diinta islaamka ay ku fido dalkeeda oo haddaba muslimiin badani ( oo awoodda siyaasadda laga xayuubiyey) deggan yihiin iyo waddamo kaloo gobolka ku yaala. Waxay markaa ay ku dadaaleysaa in dawladda cusub ee Somaliya noqoto mid aan garab siin doonin soo kicitaanka xoogag diimeed. Ø Waxay Ethiopia ku dadaaleysaa in madaxweynaha dawladda cusub ee Somaliya auu noqdo mid indho muuqda ku arki kara labada wadci ee hor yaala ee ah inuu kala doorato: jabhadaha xornima udirirka ee dagaalka kula jirka taliska Addisababa iyo Kursigiisa awoodda ee madaxtinimada ee aadka loogu dirirayo. Ø In Dawladda cusub ee Somaliya ka dhalatay la gasho amaba horeyba ula gashay heshiisyo dhowr ah oo suggaya amnigeeda mustaqbal kuwasaoo ka mid ah * in shakhsiyaadka Ethiopianka ee mucaarad halis ah ku ah jiritaanka dawladda Ethiopia ee u soo baxsada Somalia dib loogu soo celiyo Ethiopia , *in horumarka ay Somalia ka gaari doonto dhinaca difaaca iyo xoogga dagaalka uu noqdo mid aan kor u dhaafin ethiopia iyo wadamada deriska la ah ee ay isku siyaasadda yihiin, *in kooxaha ay ku sheegaan mintidiinta islaamka aaney garab ka helin dawladda somaliya. Ururka Maxkamadaha Islaamiga ah : Waa urur abuurmay kadib markii sharci la aanta waddanka badatay ayaa culumaa udiinka Soomaliyeed ee magaalada Muqdishu iyo agagaarkeeda sameysteen maxkamado amniga iyo kala dambeynta soo celiya ayagoo ku dhaqmaya shariicada islaamka. Xaqiiqada waxey tahay intii ay maxaakiimtu maamulka ka hayeen degmooyin ka tirsan maqaalada muqdishu iyo agagaarkeeda , ay si dhab ah u soo celiyeen amnigii iyo kala dambeyntii oo ay sababtay in dad badanoo soomaaliyeed ay dalka ku soo laabtaan kadib markii ay muddo dheer ka maqnaayeen. Waxaa kale oo xaqiiqa ah in haddii urur ku dhaqma shariicada islaamka uu si walba u soo hoyiyo guulo wax ku ool ah oo xal waara ka keena Somalia marnaba kama heli doono waddamada yurub , mareykan iyo wadamada Afrikaanka ah sacabtun iyo u riyaaqid waayo ayaga dhibta ka jirta dalka waxaa kaga weyn cabsida ay ka qabaan fiditaanka Islaamka ku fiday aagga geeska Afrika. Inkastoo Maxaakiimtu guulo ka soo hoyeen soo celinta amniga meelo ka mid ah magaalada muqdishu,hase yeeshee waxaa jira duleelo siyaasadeed oo keenay in ururku fashilmo: Ø Urur leh mabda’a ha noqdo mid ku dhisan diin ama ideoloji waa inuu lahaadaa marin qeexan oo uu u marayo ururku si uu u gaaro ahdaaftaa. Ururka maxaakiimta islaamiga waxay caddeeyeen keliya iney jecelyihiin in ay waddanka ku maamulaan shariicada iyo in amniga soo celiyaan ,waa arrin aad loogu riyaaqay laakiinse habka siyaasadeed ee ay u mari lahaayeen ma qeexneyn. Ø Waxaan jirin strateji siyaasad-dibadeed oo ururku ku sameysanayo xulafo si bareer ah u taaageeri kara iyo in ay ka hortagaan in dunida inteeda kale looga arko iney yihiin humaagga urur argagixiso. Ø Maadaama hawlwadeenada ka muuqda ururka ay yihiin dad ka socda hal beel oo ka mid ah beelaha soomaliyeed , waxey keentay in loo arko ururku inuu yahay mid ay beeshaasu leedahay . waxaa loo baahnaa in culumaaudiin beel walba leh laga qeyb geliyo hawlaha ururka maxaakiimta. Ø Waxa loo baahnaa in halganka ururku ee marxaladda koowaad uu ku koobnaado keliya sidii loo adkeyn lahaa xiriirka gudaha ururka iyo dadweynaha iyo sidii loogu gargaari lahaa dadka dhibaateysan, ee aaney sameysan cadaw shisheeye ayadoon xoog la isaga caabiyaaba aan jirin. Eriterea : Waa dal cadaawad weyn ka dhexeyso Ethiopia oo dagaalo hore u dhex mareen. Markaa waxaa ayada dan u ah dandarrada Ethiopa dabcan. Sida ay Ethiopia uga indha saaban karin dhacdooyinka siyaasadeed ee Somalia baa Eritereyana marnaba gacmaha kaga laaban karin horumarka siyaasadeed ee Ethiopia ka sameyneyso carriga geeska africa. Waxa Eritera dan u ah in qorshaha siyaasadeed ee Ethiopia ka leedahay somalia uu fashilmo , waana iney gacan ka geysataa sida hadafkaa loo gaari lahaa. Waxey gacan siineysaa cid alla oo ka hor timaada dhaqdhaqaaqa ay Ethiopia la waddo DKMG ee Somaliya. Mar waxey u dhigantaa xoog dibadeed barbar taagan isbaheysiga Ethiopia iyo Madaxweyne yusuf . Kenya ,Ugandha , Tanzania iyo waddamada geeska Africa : Waxey dhammaan u arkaan in dantoodu ku jirto in Cabdullahi yusuf ku guuleysto dagaalka waayo cabsi weyn bey ka qabaan in geeska africa ay ku fido diinta Islaamka .Waxeyna ku faraxsan yihiin dadaalka ay Ethiopia ka heyso in ay la shaqeyso DKMG ah si looga hortago waxa ay u arkaan Muslimiinta mintidka ah . Wey u sacab tumeen markii Ururka Maxkamadaha Islaamiga looga adkaaday dagaalkii mudada gaaban socday ee ay dalka kaga carareen. Wadamada carabta iyo muslimiinta iyo Jibouti - Ø Masar : Somaliya iyo Masar waxaa ka dhexeeyey heshiis qoto dheer oo ku dhisan diin , dhaqan iyo geography. Masar waxey ka mid aheyd dawladihii si aadka ah u taakuleyn jiray Somalia ilaa iyo intii ay xornimada qaadatay. Waxaa kale oo Masar ay la wadaagtaa Ethiopia webiga Niil oo habka ay Ethiopia u isticmaaleysaa webigaa door weyn ka qaadanaya nolosha dadyowga Masar oo ku tiirsan webiga Niil. Ethiopia oo ku guuleysata in ay ka dhisto Somaliya dawlad la bah ah waxey keeni kartaa in Somaliya noqoto mid ka fog wadammada muslimiinta iyo carabta, waxeyna yareyneysaa cabsida Ethiopa ka qabtay Somalia markaana ay fursad iyo dhaqaale u hesho iney awoodeeda ka muujiso webiga Niil. Ethiopia waxey kaloo ku hami weyn tahay iney noqoto awoodda carriga geeska africa ( geoplitical power) si ay u noqoto wakiil lagala xaajooda arrin walboo Geeska Afrika qusaya. Israail oo ayadana heshiis la leh Ethiopia ayaa u adeegsan karta Ethiopia iney handadaad ku noqoto Masar. Masar marnaba raali kuma faraxsana dawlad Ethiopia gacan saar la leh iney awood weyn kuyeelato Somalia. Ø Wadamada Khaliijka iyo muslimiinta : Waxa jira odhaah siyaasadeed oo sheegaysa – cadawgaaga cadawgiisu waa saaxiibkaa’- oo markaa haddii aan jirin dan dhaqaale laga leeyahay mushkilad siyaasadeed ee la xalinayo waxaa loo fiiriyaa waddamada ay quseyso dhibtaa iyo heshiiska ay la leeyihiin. Wadamada carabta iyo muslimiinta oo dhan waxey ciyaarayaan ’ ( sug oo eeg’) kaasoo ay ugu dan leeyihiin ineysan rabin iney muujiyaan mowqifkooda ku wajahan siyaasadda Somaliya ilaa ay ka xaqiiqeyso awoodda ugu dambeysa cidda ay raaceyso. Dhammaan kuma faraxsana doorka ay Ethiopia ka ciyaareyso Somaliya oo waxey ka war hayaan xiriirka dalkaasu la leeyahay Israaiil oo markaa dano siyaasadeed ka lahaan karta geeska afrika. Tan kale waxey og yihiin in Ethiopia ay dadaal kula jirto in kooxaha islaamiyiinta ay ka baxaan awoodda somaliya oo markaa Somaliya noqoto dawlad ka fog carabta iyo islaamka taana waa mid aaney raalli ka noqon karin. Waxaa kale oo meesha aan ka maqneyn in Mareykanku lug ku leeyahay arrimaha Somalia oo markaa waddamada carabta iyo muslimiinta ku degdegi karin iney faragelin toos ah ku sameeyaan. Mareykanka : Sida dad badani u heystaan baa ka duwan xaqiiqada mowqifka mareykanka uu ka taagan yahay iyo sida uu wax u arko siyaasadda ku wajahan geeska Afrika. Danaha mareykanka ka leeyahay Somaliya iyo danaha Ethiopia leedahay meelo bey ku kulmaan meelana wey ku kala leexdaan. Waxa kulmiya labada dal waa cabsida ah in Somaliya yeelato dawladda Islaami xoogan ama gacan saar la leh waxa ay ugu yeeraan Muslimiinta mintidka ah . Waxeyse ku kala duwan yihiin halka Ethiopia aysan u arkin dhib haddii Somaliya yeelato diktatoor xoogan oo shacabka somaliyeed ay ka soo horjeedaan laakiinse xoog uu ku heysan karo awoodda kursiga isla markaana ayada gacan saar la leh , Mareykanka waxaa dan u ah inuu kasbasdo shacabka Somaliyeed oo loo arko awood taageerta dimoqraadiyada. sababtaa ayaana keentay in uu san Cabdulaahi yusuf ilaa maanta helin taageeradii uu ka filayey reer galbeedka oo sugaya ilaa iyo inta shacabka oo dhan kaga midowayaan u hogaansamida dawladda. Waxa jirtay waqti caalamka reer galbeedka ay gacan siin jireen diktatoor si kasta uu ugu tunto xuquuuqulinsaanka waddanka gudihiisa , laakiinse waxa natiijadu noqotay in marka uu diktatoorku waqtigiisa dhamaado uu ku reebo quluubta shacabka naceyb ay u qabaan wadamada taageerada siin jiray diktatoorkaa. Danta weyn ee waddamadaa ku kaliftay iney taageeraana waxaa ugu weynaa dan dhaqaale laakinse geeska afrika ayaa aad u yar danta dhaqaale ee uu ka yeelan karaa mareykanka. Talyaaniga : Waa dal hore u soo gumeystay koofurta Somaliya haddana si aad ah u yaqaana dhaqanka iyo taariikhda dadka Somalida marka loo barbar dhigo Mareykanka iyo waddamada kale ee reer Yurub . Talyaanigu wuxuu ka didsan yahay in dawladda cusub ee Somalia yeelatay ay noqoto mid gacanta ugu jirta mareykanka ama Ethiopia oo barlamaanka talyaaniga aan saameyn weyn ku laheyn . Waxa uu amminsan yahay iney waajib tahay in Talyanigu noqdo dawladda ay reer galbeedka u soo maraan marka loo baahan yahay in Dawladda cusub ee Somaliya laga rabo arrimo siyaasadeed. Waxaa kale oo meesha ka maqneyn ka qeybqaadashada dibudhiska Somaliya oo kharajka badi ay bixin doonto UN , Talyaniguna uu jecel yahay inuu qandaraasyada badigood iyo gargaarka hawlaha la wareego sida caadada ahaan jirtay. Bulshadda Shibilka ah : Waxa dan u ah oo ay sugayaan waa Ø In la helo amni iyo xasilooni deg deg ah oo waara. Ø In adeegyada bulshada ay si toos ah u shaqeeyaan. Ø in kala dambeynta iyo asluubta soo noqoto oo ciidanka booliiska iyo maxkamadaha cadliga hawlgalaan. Ø in doorashooyin xor ah oo ku dhisan maxaad taqaan ee aan ku dhisneyn yaad taqaan la gaaro oo laga gudbo qabiil wax ku qeybsiga ku meel gaarka ah. Gunaanad : Ø Dalalka ajaanibta ahoo dhan ( mid cadaw iyo mid saaxiib labadaba ) kama laha Somaliya dan aan aheyn mid faa iido u leh horumarkooda iyo amnigooda. Ø Waa ineynu miisaanaa danta dalalka shisheeyaha ka leeyihiin Somaliya iyo tan Somalya ka leedahay dalalkaa oo haddii ay soo baxdo in danta dalka ka soo galeysa le’egtahay ama ka badan tahay tan ayaga inaga leeyihiin, lagu bedeshaa. Ø Waa in Dawladdu lahaataa siyaasad dibadeed ku meel gaar ah oo looga baxayo xilliga ku meelgaarka ah iyo siyaasad dibadeed sir ah oo arrintu isbedeleyso marka lugaha si adag dhulka loogu qabsado. Ø Marka koox ay inkireyso jiritaaank koox kale ma dhici karto in la xaliyo mushkiladda hortaala labada kooxood ee is heysta. Ø Xalka isafgaranwaaga dheer waa inaan laga soo qaban keliya sawirka muuqda ee waa in la taabtaa dhamaan xaaladaha keenay cadawtinimada iyo sida loo xalin lahaa, laguna daraa dhammaan jihooyinka lug ku leh mushkiladda. Ø Waa ineynu wax walba ka hor marinaa nabadegelyada caruurta , haweenka iyo waayeelada ku baaba’aya dagaalada . Ø Xalka ugu roon ee dhallin kara mid dan u ah Somaliya waa kan ay ku heshiiyaan Soomaalida iyadoo aan la siin fiiro gaar ah dan dal shisheeye . Ø Geesinimadu kuma jirto in xoog wax lagu gaaro ee waxey ku jirtaa in hadafka la leeyahay la gaaro ayadoon dhiig daadan. Ø Boog waxaa la daaweyn karaa marka aan la cashcashin urteeda taasoo ah in runta jirta somaliya oo ah qeybsiga awoodda , kheyraadka , amni ku noolaanshaha, jagooyinka sar sare ee koox walbaa u hunguri taageysaa waa in la soo saaraa miiska. Nasiib darrose waxaa ah in ay isla haddaba soo shaacbaxday in dad badani ay rabaan iney qabaailkooda keliya ku noolaadaan nolol sare halka shacabka kale dhibta heysato. Awes Ahmed Osman thenewsomaliagroup@yahoo.com thenewsomaliagroup@hotmail.com
No comments:
Post a Comment