Saturday, October 14, 2006

Baaq ku wajahan Somalida ku nool Sweden

Waxeynu ka marag kaceynaa doorashooyinka xorta ah ee dimoqraadiyadda ku dhisan ee dhawaan ka dhacay dalkan Sweden taasoo looga adkaaday xisbigii Social Demokratik ee talada waddanka hayey uuna madaxa ka ahaa Goran Persson, waxaana ku guuleystay xisbiga isbaheysiga Alliance ee horseedka u yahay xisbiga Moderaterna ee madaxa ka yahay Fredrik Reinfeldt

Waxeynu si toos ah ula soconay sida caddaaladda ku dhisan ee tartanka doorashooyinka u socdeen ilaa iyo inta loolanka siyaasadeed lagu jiray . Waxeynu imminka la soconaa in siyaasiga laga adkaaday ee Göran persson oo si toos ah ula shaqeynaya dawladda cusub asagoo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka .

Maxey taasi na tusi kartaa ? Maxeynu dhacdadaa siyaasadeed kaga faaideysan karnaa ?

Waxyaabo dhowr ah baan ka baxsan karnaa doorshooyinka xorta ah ee waddamada reer galbeedka ee aan ku noolnahay , waxaana ugu muhiimsan :

1. In madaxweynaha /Raiisalwasaaraha uu waqtiga talada heynayo ay xadidan tahay , taana uu niyadda ku hayo.

2. In qaldaadka dawladda talada heysa sameyneyso la soo bandhigi karo , laguna qabsan karo oo axsaabta mucaaradka ah ku ceebeyn karaan.

3. In natiijada cod bixinta , cod tirinta iyo natiijada doorashooyinka guud ahaan ay noqdaan mid dadweynaha si toos ah ugula socdaan qalabka warbaahinta ee aan aheyn mid qarsoon.

4. In qiimeynta shacabku ay ku dooranayaan musharixiinta ku xiran tahay waxqabadka musharaxa ee aanay shaqo ku laheyn qabiilka uu ka soo jeedo.

5. In wasiirka , raiisalwasaaraha iyo dhammaan dadka raba iney qabtaan jago sare ee maamulka dalka ay soo bandhigaan kartidooda, heerka aqoontooda iyo khibradda ay u leeyihiin hawlaha siyaasadeed ee masuuliyadda ballaaran leh. waxeyna ku muujin karaan kulano saxaafadeed televisionka iyo raadiyaha la yeesho.

6. In safxad nololeedka shakhsiyaadka jagooyink dawladda ku guuleysanaya noqotaa mid nadiif ah taasoo ah in musharaxu aheyn nin dembi ka galay qaranka ama bani-aadminimada.

7. In xisbiga talada haya iyo axsaabta mucaaradka ee la tartamaya dhammaan og yihiin danta guud ee dalka , khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya axsaabtana aheyn mid shakhsi ah ama mid waxyeeleyn kara midnimada, aminga iyo horumarka waddanka.

8. In taageerayaasha axsaabta siyaasadeed iyo shacabka guud ahaan ku qancaan natiijada doorashooyinka oo gari laba nin kama wada qosliso e.

9. In Go’aanada siyaasadeed , dhaqaale iyo difaaca dalka aan aheyn mid madaxweynaha keligii ama xisbigiisa gaarayaan ee ay tahay mid u baahan ansixinta golaha barlamaanka iyo wasiiradaha oo dhan .

10. In aan ku fekerno sida Dimoqraadiyad noocanoo kale ah ugu dabaqi laheyn siyaasadda dalkeena ee ku dhisan qabyaaladda.

Taariikhda waxey tilmaameysaa in ISBEDEL ama ILBAXNIMO la dhoofin karo , leysugu gudbin karo ama muwaadiniinta dalka dibadiisa ku nool ay maskaxdooda ku qaadi karaan si ay waddankooda u geeyaan oo loogu dhaqmo. Habsiyaasadeed ama habdhaqanada wanaagsan ee reer galbeedka ka baranay qaadano , dhaqanada xun ee ay wataana ka tagno si aan u dhisno mujtamac somaliyeed horumarsan.

Wixii faahfaahin nagala soo xiriir oo waxeynu u gacma fidineynaa cid alla ee rabta iney ka shaqeyso abuurista Somali cusub.


Awes A.Osman
thenewsomaliagroup@yahoo.com

Ps: Ni kan svara/skriva på svenska ,engleska,arabiska eller somaliska. Tack. Hej då.

No comments: